Magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug waxaa ka dhacay kulamo siyaasadeed oo iska soo hor jeeda kuwaas oo ay kala yeesheen guddiyadii farsamo ee uu magacaabay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo guddigii uu magacaabay madaxa xukuumadda Galmudug.
Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kulan gaar ah la qaatay guddigii farsamo ee uu magacaabay waxa uu kula dar-daarmay in ay ku shaqeeyaan Dastuurka.
Dhinaca kalana waxaa iyana kulan soo dhaweyn ah magaalada Dhuusa-Mareeb loogu sameeyay guddigii farsamada maamul u samaynta Galmudug ee uu magacaabay wqasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sebriye kuwaas oo sghalay gaaray halkaas.
Xaladda Galmudug ayaa u muuqata mid faraha kasii baxaysa madaama dowladda fedraalka iyo madaxa xukuumadda Galmudug ay kala magacaabeen guddiyo farsamo isla markaana ay kuwada suganyihiin magaalada Dhuusa Mareeb.