Taliyaha Ciiddanka Boliska ee Hawlgalka AMISOM, Sarreeye Guuto Anand Pillay waxa uu shalay Tababar u furay Ciiddan ka socda Boliska Nigeria oo dhawaan soo gaaray magaalladda Muqdisho, kuwaasi oo kaalin ka qaadan doona Tababarka Ciiddanka Boliska Somalia iyo Sugidda Ammaanka.
Tababarka loo furay Boliska Nigeria ayaa ku xiriirsan si ay aad u fahmaan Hawlaha loo xil saaray Hawlgalka Boliska AMISOM iyo sida uu yahay Hawl-maalmeedka ay u joogaan Somalia.
Anand Pillay waxa uu tilmaamay in Dib-u-dhiska Ciiddanka Boliska Somalia tahay ujeeddo muhiimka ee Ammaanka Qaranka iyo Hadafka Yoolka ee dhismaha hay’adaha ee Somalia.
Waxa uu Ciiddanka cusub ee Nigeria ka socda ka dalbaday inay taageero ka geystaan Dib-u-dhiska Boliska Somalia, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay weli jiraan cabsi dhinaca Ammaanka ee Somalia.
Waxa uu intaasi ku daray inay Mas’uuliyadda Boliska AMISOM in la taageero Dhismaha Hay’addaha Ammaanka ee Somali si ay u hantaan Ammaanka dalka Somalia.
Ciiddanka Boliska ee ka yimid Nigeria ayaa ah Dufcadii 6-aad ee ka qeyb qaata Hawlgalka Boliska AMISOM, waxayna bedeleen Dufcad kale oo bishan bilowgeedii ka dhoofay Muqdisho, kadib, markii ay dhamaysteen Hawlgal muddo hal sanno oo ay ku joogeen Somalia.
©Radio Dalsan