(XOG): Kharajkii Diiwaan-gelinta ee ay bixiyeen Murashixiinta aan u tartamin Labada Aqal ee Barlamaanka oo la la’ yahay.

Kharajkii Is-diiwaangelinta ee ay Murashixiintii aan u tartamin xubinnimadda Labada Aqal ee Barlamaanka ku shubeen  Xisaab-lacageedka Bangiga ee Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD) ayaa la sheegay in aan faraha lagu haynin, lana ogeyn cidda kala baxday Akonka Guddigaasi.

Ilo-wareedyo ku dhow qaar ka mid ah Murashixiinta aan Tartamin iyo kuwa booskooda lagu bedelay Haweenka ayaa u sheegay Radio Dalsan inay Guddiga Federalka ee Doorashadda Dadban ka codsadeen in loo soo celiyo Kharajka Diiwaan-gelinta, balse aysan helin jawaab waafi ah, loona soo celinin Kharajkaasi oo marka guud ahaan la isku daro gaarayo  lacag dhan 400,000 oo Dollar.

Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan oo ka mid ahaa Murashaxiintii xubnaha Aqalka Hoose ee Barlamaanka ee  iska diiwaan geliyey Maamul-gobaleedka HirShabelle, balse ay Guddiga Doorashadda ka joojiyeen inuu tartamo ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey inaysan Guddiga Federalka Doorashadda Dadban weli ka sugayaan Kharajkii Diiwaan-gelinta ee laga qaaday si ay ugu loolamaan Xildhibaanimadda Cusub ee Labada Aqal ee Barlamaanka Federalka.

In ka badan 100-Murashax oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa la sheegay in laga joojiyey Murashaxnimadooda sababo kala duwan darteeda, kuwaasi oo haatan cabasho ka muujinaya inaan loo soo celinin Lacagihii Is-diiwaangelinta Murashixiinta Labada Aqal ee Barlamaanka.

Kharajka Is-diiwwan gelinta ee Murashixiinta ragga ee Aqalka Sare  ayaa ahaa qofkiiba 10.000 oo Dollar, halka Murashixiinta Haweenka ahaa qoftiiba ahayd 5,000 oo Dollar.

Murashixiinta ragga ee Aqalka Hoose ee qofkiiba ayaa iyaana ahaa 5,000 oo Dollar, halka Murashixiinta haweenka ee qoftiiba ahayd 2,500-Dollar.

Dhinaca kale, mar aan la xiriirnay Guddoomiyaha Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban, Avvocate Cumar Maxamed Cabdulle waxa uu ka gaabsaday inuu ka hadlo Eedeymaha ka soo yeeray Murashixiinta laga joojiyey Doorashadda ee ay ku sheegeen inaan loo soo celinin Kharajkii Diiwaan-gelinta.

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ayaa  horey u ballan qaaday inay dib ugu celin doonaan  Kharajka Diiwaan-gelinta ee Murashixiinta laga joojiyey Doorashadda iyo kuwa booskooda Haween lagu beddelay.

©Radio Dalsan

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor