Madaxweynaha Maamulka Falastiin oo ka digay khatarta ku soo fool leh Nabad-raadinta Bariga Dhexe.

Maxamuud Cabaas ayaa hadalkaasi maanta ka sheegay mar uu Safaaradda cusub ee Dowladda Falastiin ka furayey Xarunta Fetikaanka ee magaalladda Roma.

Waxa uu carrabka ku dhuftay haddii Madaxweynaha La-doortay ee Falastiin, Donald Trump socodsiiyo qorshaha Safaaradda Maraykanka ku leeyihiin Yuhuudda loogu soo wareejinayo magaalladda Qudus-ta la-haysto ay taasi wax u dhimayso Dadaalka Nabadda Bariga Dhexe.

Madaxweynaha Falastiin waxa uu Suxufiyiinta kula hadlay albaabka hore ee Dhismaha Fetikaanka, kadib, markii uu Baadariga Pope Francis kala xaajooday xaalladda Bariga Dhexe.

Maxamuud Cabaas waxa uu ku hakaday magaalladda Roma ee dalka Talyaaniga, isagoo ku sii jeeday caasimadda dalka Faransiiska ee Parissoo uu ka furmayey Shirweynaha Nabadda Bariga Dhexe.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor