Xeel-dheerayaal dhanka walxaha Qarxaha oo ka socday Hay’adda Miinooyinka ee Qaramada Midoobay ee UNMAS ayaa Maanta tababar la xiriira Miino baarista u furay Ciidamo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka.
Taliyaha guutada 11-aad qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Col. Cadow Maxamed Sahal ayaa Maanta ka qabgalay furitaanka tababar Minno barsi ah ee loo furayay Cutubayo ka tirsan Taliska qeybta 43-aad ee CXD.
Taliye Maxamed Sahal ayaa kula dardarmay Sarakiisha iyo Ciidamada tababarka loo furay in ay ka faa’iideystan cashirada iyo tababarka ku saaban miino baarista oo uu Taliyaha sheegay in tababarka uu mihiim yahay.
Xeel-dheerayaal dhanka walxaha Qarxaha oo ka socday Hay’adda Miinooyinka ee Qaramada Midoobay ayaa tilmaamay in tababarkan ay wax ka badan ka faa’iidi doonaan Ciidanka la siiyay, isla markaana la barayo qaabka loo soo saaro miinada.