Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo u dhoofay Dalka Jabuuti

Wasiirka arrimaha dibedda iyo Is-kaashiga caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane, Axmed Ciise Cawad, ayaa goor dhow ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Casmara, isagoo kusii jeeda Dalka Jabuuti.

Wasiirka ayaa qeyb ka ah wafdi ka kooban Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, iyagoo ka wada hadli doona sidii loosoo afjari lahaa xurgufta ka dhex taagan Dowladaha Jabuuti iyo Eretrea.

Hoggaamiyeyaasha waddamada geeska Afrika ayaa indhawaalaba waday dedaallo lagu soo Af-jarayo mad-madoowga siyaasadeed iyo muranadii xudduudaha ee Gobolka,iyagoo taasi beedelkeedana wada qorshayaal horumarineed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor