Xildhibaan Caawa lagu dilay Magaalada Laascaanood iyo faah faahin laga helay

Wararka aan Caawa ka heleyno Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas lagu dilay Xildhibaan ka tirsanaa Golaha deegaanka Magaaladaas.

Rag ku hubeysnaa Bastoolad oo aan heybtooda la garan ayaa Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Cardoofe ku toogtay afaafka hore ee hoygiisa, isagoo u geeriyooday rasaas dhowr ah oo lagu dhuftay.

Goobta uu falku ka dhacay ayaa waxaa durbo ka cararay raggii khaarijiyey Marxuum Cabdirisaaq Maxamed Cilmi oo kamid ahaa Xildhibaanada Golaha deegaanka Magaalada Laascaanood, sidoo kalena ka tirsanaa Xisbiga Waddani ee Somaliland.

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa Caawa howlgalo kala duwan ka wada Laascaanood oo ay ku gaadi goobayaan raggii hubeysnaa ee ka dambeeyay dilka Xildhibaanka, welina ma jio wax war ah oo kasoo baxay Somaliland.

Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa dhowr horey uga dhacay dilal qorsheysan oo lagu fuliyey Mas’uuliyiin iyo xubno kale, waxaana inta badan falalkaas geystay rag hubeysan oo aan heybtooda la garan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor