Wararka aanu ka heleyn degmada Hodon ee gobalka Banaadir ayaa sheegay in kooxo hubeysan oo watay gaari ay goordhow inta u dhaxeysa Isbitaalka Digfeer iyo iyo Tarabuunka ay ku dileen nin watay gaari yar.
Warar hoose oo aanu heleyno ayaa sheegaya in ninka la dilay uu ka midahaa dadkii u ololenayay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llahi farmaajo in kasta weli aan laga helin macluumad saxan.
Kooxaha dilka geystay ayaa markiiba baxsaday waxaana goobta gaaray ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa amaanka ee dowladda Soomaaliya.