Baarayaasha Boliska Kenya aya sheegay inay heleen caddaymo muujinya in magacaabo Samantha Lewthwite oo lagu nnayso Carmalda Cad ka dambeysay Weerarkii ay 3 gabdhood oo Soomaali ay Axaddii la soo dhaafaeen ku qaadeen Saldhigga Dhexe Boliska ee magaalladda Mombasa.
Baarayaasha waxay sheegeen in Laptop-yo iyo E-mailo laga helay gurigii ay ku noolaayeen Haweenkaasi la dilay muujinayaan in ay xiriir la lahaayeen Carmaladda Cad “White Widow”.
Mid ka mid ah Khubrada baarta Dembiyadda Internetka ee Kenya ayaa sheegay in baaritaanka bilowga muujinayo inay Samantha Lewthwite gacan ka geysatay Weerarkaasi
Baaritaanka arrintaasi ee Samantha Lewthwite lala xiriirinayo Weerarkii lagu qaaday Saldhigga Dhexe ee Boliska magaalladda Mombasa ayaa yimid iyadoo la rumeysan yahay inay Samantha Lewthwite oo ay Boliska Caalamiga iyo Dowladaha Britain iyo Kenya u baadi-goobayaan silsilado weeraro oo ka dhacay gudaha Kenya, sida Weerarkii lagu qaaday Jamaacadda Garissa ee lagu dilay 148 qof oo badankooda Arday ahaa.
©Radio Dalsan