Afhayeenka Ururka Ganacsatadda Qaadka ee Nyambene Miraa Traders Association (Nyamita), Kimthi Mujuri ayaa sheegay inay khasaareen lacag dhan 500 million oo Shillinka Kenya dhowrkii maalmood ee Qaadka laga mamnuucay Somalia.
Afhayeenka oo Wareysi siiyey Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa sheegay inay 5 Diyaraadood oo keliya Qaad soo qaadi jireen tan iyo markii ay Dowladda Somalia isbuucii hore si KMG u joojinin Diyaaradaha Qaadka keeni jirey Somalia.
“Inta aan la qaadin Xayiraadda, 5 Diyaaradood ayaa Qaadka geyn jirtey Garoomada Diyaaradaha Beled-weyne, Bosaaso, Gaalkacayo iyo Laas Caanood. Taasi oo micnaheedu yhaay inay ku-dhawaad 15 Diyaaradood caadi u shaqeyn jirin” ayuu yiri Afhayeenka Ururka Ganacsatada Qaadka Kenya.
Diyaarad kasta waxay qaadi kartaa ugu yaraan 90 jawan oo Qaad ah, iydoo jawaankii kasta uu qiimihiisu u dhexeeyo 700,000 oo Shillinka Kenya ilaa 100,000 oo Shillinka Kenya.
Dhinaca kale, Madaxweynah Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Talaadadii la soo qaaday ku dhawaaqay in Xayirddii laga qaaday Diyaaradihii Qaadka ka keeni jirey Kenya.
Xayiraadaasi ayaa la soo rogay, kadib, markii ay Dowladda Federalka qoonsatay socdaalkii uu Guddoomiyaha Gobalka Meru ee Kenya, Peter Munya bishii July ku tegay magaalladda Hargeysa iyo hadal uu ku sheegay inuu u ololeynayo sidii ay Dowladda Kenya u aqoonsan lahaayeen Maamulka Somaliland.
©Radio Dalsan