Siyaasiyiinta, Salaadiinta iyo Waxgaradka ka soo jeeda Goballadda W/Galbeed Somalia (Somaliland) ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan War Murtiyeedka ka soo baxay Madasha Wada Tashiga Qaranka, kuna aadanaa Saami-qeybsiga Kuraasta Aqalka Sare ee Barlamaanka.
Qoraal ay si wadajir u soo saareen Siyaasiyiinta iyo Salaadiinta Reer Somaliland, uuna ku saxiixnaa Ku-xigeenka Ra’isul-wasaare Maxamed Cumar Carte Qaalib ayey ku muujiyeen inuusan caddaalad ku dhisnayn Saami-qeybsigaasi, isla markaana aysan jirin Cid u matalaysay Go’aankii ay Madasha Wada Tashiga Qaranka ka soo saareen Shirkoodii qabsoomay bishii April 12-dii.
Halkan ka akhriso Qoraalka ay Siyaasiyiinta iyo Salaadiinta Somaliland ku laaleen Saami-qeybsigii Kuraasta Aqalka Sare ee Barlamaanka Somalia ee la dhisi doono.
©Radio Dalsan