Sacuudiga oo shaaciyey waqtiga dib loo bilaabayo gudashada Cimrada

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday in ay ogolaaneyso gudashada Cimrada iyo gelitaanka Masjidka Nabiga laga billaabo 4-ta October 2020.

Bayaan kasoo baxay wasaaraddda arrimaha gudaha ee Sacuudiga ayaa lagu yiri “ iydoo la raacayo talada dhaqaatiirta, lana tix gelinaayo baahida ay dadka muslimiinta u qabaan inay soo booqdaan masjidka nabiga iyo goobaha barakeysan, waxay mas’uuliyiinta Sacuudigu go’aansadeen in muslimiinta loo ogolaado inay gutaan cimrada”.

Mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaas ayaa sheegay in marka hore loo ogolaanaayo muwaadiniinta  iyo dadka deggan Sacuudiga  inay tira xaddidan u cimraysan kadibna loo wada ogolaan doono musliimiinta kale ee daafaha dunida ka imaanaya.

Dowladda Sacuudiga ayaa sannadkaan baajisay gudashada cimrada iyo xajka iydoo ka taxadireysa faafidda Karona iyo bad qabka Muslimiinta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media