Wafdi ka socda Hay’ad Caalami ah oo gaaray Magaalada Garoowe

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada ku qaabilay wafti ka socda Hay’adda Laanqayrta Cas (ICRC) ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Mr. Tim Filio Ros oo ka mid ah Saraakiisha Hay’adda.

Kulanka Madaxweyne ku xigeenka waxaa ku weheliyay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdirashiid Cali iyo masuuliyiin kale waxaana looga wada hadlay kaalmada Bini’aadantinimo iyo dadka ku waxyeelooba colaadaha hubaysan ee ka dhaca deegaano kala duwan.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sarkaalka ka socday Hayádda ICRC uga mahadceliyey booqashadooda iyo shaqada ay ka wadaan Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media