Madaxweynaha Somailand oo la kulmay Guddiga Komishanka Doorashooyinka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga Madaxtooyada kulan kula qaatay xubnaha Guddiga komishanka doorashooyinka Somaliland, waxana kulankaas diiradda lagu saaray hawlaha qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.

Ugu horrayn Guddida Komishanka doorashooyinka waxay madaxweynaha Somaliland, warbixin ka siiyeen hawlaha diyaar garowga qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka, iyagoo xusay inay guda-galeen shaqadii doorashooyinka, sidoo kalena ay gacanta ku hayaan bilowga diiwaangelinta codbixiyayaasha.

Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadinyey Komishanka doorashooyinka sida hagar la’aanta ah ee ay hawsha u wadaaan, wuxuuna ku adkeeyay in doorashooyinku ku qabsoomaan muddadii ay hore ugu cayimeen inay doorashooyinku ku qabsoomi karaan.

Dhinacooda, Guddiga Komishanka doorashooyinku waxay madaxweynaha u caddeeyeen in qorshahoodu yahay sidii ay doorashooyinku ugu qabsoomi lahaayeen waqtigii hore loo shaaciyey.

Ugu danbayn, madaxweynaha iyo Guddiga Komishanka doorashooyinku waxay isla garteen in la dardar geliyo qabsoomidda doorashooyinka, waxaana madaxweynaha kulankaas ku wehelinayay madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media