Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa Maanta waxaa la filayaa in uu gaaro Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Kismaayo ayaa waxaa ku wehlinaya xubno ka tirsan Golihiisa Wasiiradda iyo Mas’uul kale oo ka tirsan Dowlada, iyadoo Saacadaha soo socda gaari doono halkaasi.
Sidoo kale Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa lagu waday in uu gaaro maalmihiin la soo Kismaayo,hayeeshee waxa uu uga baaqay ka qeyb galka Aaskii loo sameeyay Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya oo shalay lagu aasay Magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa markii uu gaaro Magaalada Kismaayo waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda ugu sareysa maamulka Jubbaland oo ugu horeyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkaas.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa dhawaan gaaray wafdi hordhac ah oo isugu jira Mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo ilaaladiisa gaar ka ah ee Koofi Casta.
Ammaanka guud ee Magaalada Kismaayo ayaa saakay aad loo adkeeyay,waxaana la xiray inta badan Wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Madaxtooyadda,waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidamada Koonfi Casta,AMISOM iyo kuwa maamulka Jubbaland.