Ciidamada amniga dowladda oo Muqdisho ku qabtay Nin xirnaa dharka Dumarka

Ciidamada amniga dowladda Soomaaliay ayaa howgal ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir waxa ay kusoo qabtay Nin xirnaa Dharka Dumarka.

Ciidamada ayaa howlgalkaasi intiisa badan ka sameeyay Nawaaxiga Iskuul Godey,isla markaana gacanta ku soo dhigay Ninkaasi xili laga shakiyay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Ninkaasi inta aan qaban kahor laga shakiyay,hayeeshee markii dambe Ciidamada lagu wargeliyay,sidaasina Ciidamada ay ku soo qabteen.

Saraakiisha Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in haatan baaritaano lagu wado Ninkaas xirnaa Dharka Dumarka,isla markaana lagu wareejin doono laamaha amniga.

Inta badan Ciidamada amniga dowlada Soomaaliya ayaa howlgalo amniga lagu xaqiijinayo waxa ay xiliyada habeekii ah ka sameeyaan degmooyinka ka tirsan Gobolka Banaadir,si loo sugo amniga Caasimadda oo mararka qaar ay ka dhacaan falal amni daro.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media