Shalay Gelinkii hore waxaa deegaanka Ceel Muluq ee Gobolka Shabeellaha dhexe ku dagaalamay Shabaab iyo Koox la magac baxday Macaawisley oo ah Shacab is aruursaday.
Dagaalkaas kadib ayaa la sheegay in Shabaab la wareegeen deegaanka Ceel Muluq oo hoostaga degmada Cadale sidoo kalena ay dad ka afduubteen.
Horjoogaha Kooxda Macaawisleyda oo lagu Magacaabo Axmed Khadar Xuseen ayaa u sheegay Radio Dalsan in Shabaab ay tuulada Ceel Muluq Guryo ku yaalla oo dad Shacab ah ay leeyihiin ay dab qabad siiyeen.
Sidoo kale waxa uu sheegay inay afduubteen dad Shacab ah oo uu sheegay inay tiro ahaan gaarayaan ku dhawaad 20 Ruux oo dadka Tuulada Ceel Muluq ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ka mid ah.
Majiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya warka kasoo baxay Horjoogaha Kooxda Macaawisleyda ee ah in Shabaab dad ay ka afduubteen tuulada Ceel Muluq.