Ciidanka amniag dowladda Soomaaliya ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kusoo bandhigay rag la sheegay inay ka tirsan Al-shabaab oo weerar ku qaaday Degmada Deyniile.
Laba ruux oo dhalinyaro ayaa lasoo bandhigay, kuwaasi oo xalay weerar kusoo qaaday fariisin Ciidanka dowladda ay ku leeyihii Albaabka hore ee Xarunta Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, isla markaana markii dambe gacanta lagu dhigay.
Sidoo kale raggan lasoo bandhigay ayaa mid kamid waxaa ka muuqa dhaawac sida lagu arkayay Sawirro laga soo qaaday iyaga oo fadhiga goob barxad ah.
Si kastaba laamaha amniga dowladda ayaa todobaadkii lasoo dhaafay soo bandhigay rag ku hubeysnaa Bastoolad oo Suuqaweyn ee Degmada Wadajir ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda xili halkaas uu ku sugnaa