Hogaamiyihii hore ee Myanmar oo lagu xukumay Afar sano oo xarig ah

Hogaamiyihii hore ee Myanmar Aung San Suu Kyi ayaa lagu xukumay afar sano oo xarig ah, waana markii ugu horeysay ee xukun noocan oo kale ah lagu rido.

Waxaa lagu helay dambi ah eedeymo kicin mucaarad iyo jebinta xeerarka Covid-19 ee hoos yimaada sharciga masiibooyinka dabiiciga ah.

Ms Suu Kyi ayaa wajaheysa 11 dacwadood oo ka dhan ah, kuwaas oo dhamaantood ay diiday.

Waxay ku jirtay xabsi guri tan iyo bishii Febraayo markaas oo millateriga ay afgambi ku sameeyeen, oo ay ku afgambiyeen dawladdii rayidka ahayd ee ay doorteen, isla markaana ay xidh-xidheen hoggaamiyeyaal badan.

Ma cadda goorta ama xilliga rasmiga ah ee Ms Suu Kyi xabsiga la dhigi doono.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor