Golaha amniga dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xalay Shir ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana shir Guddoomiyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Kulanka oo ahaa midkii 8-aad ee shirka Golaha amniga ayaa waxaa kasoo qeyb galay dhammaan xubnaha Golaha, waxaana laga dhagaystay warbixin ku saabsan qorshahooda dhanka amniga iyo siyaasadaha gacan siiya amniga.
Shirkaan ayaa waxaa qaban qaabiyay xafiiska Amniga maamulka Galmudug, waxaana qodobada looga hadlay inta uu socday Shirka kamid ahaa:
- Dardargelinta siyaasada amniga Galmudug.
- Fulinta qorsha hawleedka guud ee amniga dalka.
- Xoreynta deegamada ay haystaan Al-shabaab.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Saraakiisha Ciidamada faray inay dardargeliyaan howlaha amniga Magaalada Dhuusamareeb iyo deegaanada kale ee Galmudug.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu wadaa in dhawaan ay ka dhacdo Munaasabadda Caleemo-saarka Madaxda Galmudug, waxaan Munaasabadda kasoo qeyb geli doona Madax kala duwan oo ka socota dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah Madaxda maamul Goboleedyada iyo xubno kale.