Gelinkii dambe ee Maanta ayaa Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya qarxa lagula eegtay deegaanka Warmaxan ee Gobolka Shabeellaha Hooe.
Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa Miino dhulka lagu aasay,isla markaana lala eegtay Gaari Booyad ah oo Ciidanka dowlada u siday Shidaal,kaasi oo socdaal ku marayay duleedka Warmaxan ee Shabeellaha Hoose.
Dad ku sugan Warmaxan ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlyeen jugata qaraxa,iyagoo sidoo kale sheegay inay uu ka dhashay Khasaaro Nafeed.
Ugu yaraan 2 askari ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen qaraxaas,kuwaasi oo la socday gaariga uu qaraxa haleelay ee Booyada ahaa,isla markaana uu soo gaaray burbur xoogan.
Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxa,iyagoo sheegay inay ku dileen 2 askri oo ka tirsan dowladda Soomaaliya,sidoo kalena ku gubay Gaari booyad ah oo siday Shidaal,hayeeshee ma jirto ilo Madax banaan oo xaqiijin kara.