Munaasabad lagu qabtay Taliska Taageeridda Ciiddanka Badda ee ku yaalla dalka Baxrayn ayaa waxa Taliye Steve Moorhouse oo u dhashay dalka Britain loo magacaabay Taliyaah Cusub ee Isbahaysiga Ciiddanka Badda ee Caalamiga ee ku sugan Badda Somalia.
Taliyaha cusub waxa uu xilkaasi kala wareegay Taliye Mal Wise oo u dhashay dalka Australia oo horey madax uga ahaa Hawlgalkaasi.
Ciiddanka Badda ee dalka Australia oo iyagu madax ka ah Hawlgalakasi, waxay shantii bilood ee ugu dambaysay ku guuleysteen inay Daroogo lagu qiimeeyey 2.2 Billion oo Dollar ku qabtaan Gacanka Cadmeed iyo Galbeedka Badweynta Hindiya.
Sidoo kale, Taliyaha cusub oo darajadiisu tahay Kabtan Ciiddanka Badda, waxa uu Ciiddanka Badda ee Boqortooyadda Britain ku soo biiray sannadkii 1991-kii, wuxuuna xilal ka soo qabtay Maraakiib kala duwan oo ka tirsan kuwa Booqrtooyadda.
Waxa uu Taliye ka ahaa Markabka cusub ee xambaara Diyaaradaha Dagaalka ee dalka Britain oo lagu magacaabo HMS Prince of Wales.
Dhinaca kale, Hawlgalka Isbahaysiga Ciiddanka Caalamiga ee CTF 150 oo lagu asaasay Gacanka Cumaan bishii May 6-dii ee sannadkii 2004-ti waxaa qeyb ka ah Ciiddamo ka kala socda 25-Waddan, kuwaasi oo loo asaasay inay ilaaleeyaan, baaraan, isla markaana joojiyaan Maraakiibta laga shakiyo, iyadoo la raacayo Dagaalka Caalamiga ee La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda.
Hawlgalka Isbahaysiga Ciiddanka Caalamiga ee CTF 150 waxay kaloo ka hortagaan Burcad-baddeeda iyo Ganacsiga sharci-darradda ee Hubka iyo Daroogada la marsiiyo Baddaha.