Warbixin ay Baarayaasha QM ee Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran dalka Somalia iyo Eritrea ayaa hadalkaasi ku sheegay Warbixin ay shalay u gudbiyeen Golaha Ammaanka ee QM, waxayna xuseen inaan la dhayalsan Karin Awoodda Alshabaab, iyadoo ay Dowladda Federalka iyo AMISOM horey u sheegeen inay wiiqeen Awooddii Alshabaab, waa sida ay hadalka u yiraahdeen.
Warbixinta ayaa lagu sheegay inay Xarakadda Alshabaab 6 weerar ku qaadeen Hoteelo ku yaalla magaalladda Muqdisho muddadii u dhexeysay bishii November ee sannadkii hore ilaa bisha June ee sannadkan.
Warbixinta ay Baarayaasha QM ee Kormeerka Cunaqabataynta Hubka u gudbiyeen Golaha Ammaanka ee QM waxaa lagu sheegay inay Alshabaab sannadkiiba canshuur ahaan u helaan 18 million oo Dollar, taasi oo la sheegay inay qaadaan Gaadiidka wada Shixnadaha Sonkorta, waa sida lagu xusay Warbixintaasi.
Hay’adda Sirdoonka Somalia ee NISA ayaa horey u sheegtay inay Khasnadda Xarakadda Alshabaab sannadkiiba ka helaan Canshuuraha wax-soo-saarka Beeraha lacag dhan 9.5 million oo Dollar, waa sida ay Baarayaasha QM ku muujiyeen Warbixinta ay u gudbiyeen Golaha Ammaanka ee QM.
Dhinaca kale, Warbixinta Baarayaasha QM ee Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ayaa lagu xusay inay Baarayaasha QM dib-u-eegis ku sameeyeen Xaalladda Ammaanka Somalia, waxayna xuseen inuusan soo hagaagin Ammaanka Somalia.
Warbixinta QM waxaa si kulul loogu naqdiyey Dowladda Federralka oo la sheegay inay ku fashilantay inay bixiyaan Mushaaraadka Ciiddanka, waa sida lagu xusay Warbixintaasi oo intaasi ku dartay in mushaar la’aantaasi sababtay inay Ciiddanka isaga soo baxaan qeybo ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha Somalia iyo inay Dagaalamayaasha Alshabaab la wareegaan Deegaanadaasi.
Warbixinta waxaa kaloo lagu bidhaamiyey in Musuqa iyo Ku-takri-falka Kaalmooyinka iyo Qalabka loogu tala galay Ciiddankaasi, kuwaasi oo ay qaarkooda ku deeqeendalalalka Shisheyaha.
Ugu dambeyntii, Warbixinta Baarayaasha QM ee Cunaqabataynta Hubka ee Somalia, waxaa lagu xusay inay sii socdaan weeraradda lagu hayo Ciiddanka AMISOM, oo ay ku ajirtay Weerarkii ay Xarakadda Alshabaab u adeegsatay Gaadiidka Mataanahe ee lagu weeraray Xeradda Askarta Kenyanka ku leeyihiin Deegaanka Ceel-cadde oo lagu dilay 150-Askari.
©Radio Dalsan