Shirweynihii 23-aad ee Toddobaadka Shidaalka Afrika ee bishan November 1-dii ka dhacay magaalladda Cape Town ayaa looga dhawaaqay in Fasaxa Laysinka ee Shidaalka iyo Gaaska Somalia la bixin doono bilowga sannadka soo socda ee 2017-ka.
Tallaabadaasi ayaa muhiimad lagu siinayaa Tartanka Shirkadaha Sahminta Shidaalka si ay Shidaal uga baaraan Maamul-gobaleedyadda Galmudug, HirShabelle iyo K/Galbeed Somalia.
Hadal ka soo baxay Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Dowladda Federalka ayaa lagu sheegay in dhawaan la soo dhamaystiray Heshiiska Saami-qeybsiga Wax-soo-saarka Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga.
Wasaaradda waxay kaloo guud-mar ku samaysay qoraalka qabyadda ee Sharciga Cusub ee Shidaalka Somalia, waxaana haatan dib-u-eegaya Daneeyayaasha Shidaalka Somalia.
Dhinaca kale, Shaacintan ayaa ku soo beegantay iyadoo laga dhur-sugayey guusha Sahminta Shidaalka Somalia iyo Sahminta kale ee haatan socota ee lagu guuleystay ee dalalka deriska, sida Kenya oo kale.