Burcad-baddeed weerartay Markab waday Kiimiko oo marayey meel ka baxsan Xeebaha Bariga Somalia.

Ciiddanka Badda Midowga Europe (EU NAVY FORCES) ee ka hawlgala Xeebaha Somalia ayaa sheegay inay Koox Burcad-baddeed Somalia weerareen Markab Booyadle waday Kiimiko, waana weerarkii ugu horreeyey ee muddo sannado ah.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Ciiddankaasi ayaa lagu sheegay inuu Weerarkaasi dhacay bishii la soo dhaafay ee October 22-da, balse ay sugayeen waxa ka soo baxa Baraitaanka lagu xaqiijinayo Dhacdadaasi.

eu-navy-forces-in-somalia6 Burcad-baddeed aad u hubeysan oo watay Doonyaha dheereeya ayaa la sheegay inay weerareen Markab Booyadle ao oo lagu magacaabo CPO Korea, kaasi oo marayey meel 330 nautical miles ka baxsan Xeebaha Bariga Somalia.

Dableyda iyo Ilaaladda Markabka ayaa la sheegay inay is-weydaarsadeen rasaas xooggan, lamana soo sheegin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Qoraalka EU NAVFOR ayaa lagu sheegay inuu Weerarkaasi yahay kii ugu horreeyey ee ay Burcad-baddeedka in ka badan labo sanno ku weeraraan Markab Ganacsi oo marayey Xeebaha Somalia.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciiddanka Badda Midowga Europe ee ka hawl-gala Xeebaha Somaliua, Jeneral Rob Magowan ayaa sheegay inuu Weerarkaasi muujinayo inay Burcad-baddeeda weli awood u leeyihiin inay Maraakiibta weeraraan si ay uga helaan Lacago madax-furasho.

 ©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor