2 qarax ayaa waxay Waaberigii hore ee saakayto ka dhaceen Saldhig Ciiddanka Cirka Hindiya ku leeyihiin Gobalka lagu murunsan yahay ee Jaamu-Kashmiir.
Hadal ka soo baxay Taliska Ciiddanka Cirka ee Hindiya ayaa lagu sheegay in Saldhigaasi oo Ammaankiisa aad loo ilaaliyo ay qaraxyada ka dhaceen Qeybta Farsamada ee Garoonka iyo goob kale oo bannaan.
Qaraxa 1-aad ayaa la sheegay inuu khasaare fudud u geystay Saqafka Sare ee Qeybta Farsamada ee Saldhiga.
Ugu yaraan hal qof ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay qaraxaasi, halka ay Ciiddanka qabteen 2 qof oo lala xiriirinayo qaraxyadaasi.
Ilo-wareedyo la hadlay Warbaahinta SPUTNIK ee dalka Raashiya waxay tilmaameen inuu qaraxaasi u muuqday inay Diyaarado Daroonis hawada ka soo daadiyeen.
Dhowr Jeer ayey Kooxaha hubeysan ee u dagaalama Xoriyada Gobalka Jaamu Kashmiir waxay Diyaaradaha Darooniska ku weeraraan Garoonkaasi.