Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay weerarkii waaberigii hore ee saakay Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Wisil ee waqooyiga Gobolka Mudug, una dhexeeya magaalooyinka Hobyo iyo Gaalkacyo ee Gobolkaas.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa qeybta 21-aad, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka Wisil ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid Al-shabaab.
Waxaa uu sheegay Wasiir Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-cadaala in Al-shabaab laga hor istaagay inay qabsadaan deegaanka, isla markaana lala galay dagaal culus, isagoona tallaabadaas ku boggaadiyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug, waa sida uu yiri.
Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Al-cadaala ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday weerarka lagu soo qaaday Wisil iyo dagaalkii halkaas ka dhacay, halka kuwa dhaawacmay uu Alle uga baryay inuu siiyo Caafimaad Deg-deg ah.
Isaga oo sii hadlaayay ayaa waxaa uu Carabka ku dhuftay in dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug ay Jawaab ka bixin doonaan weerarkii saakay Al-shabaab ku qaadeen deegaanka Wisil ee Gobolka Mudug, waa sida uu hadalka u dhigay.
In ka badan 21 qof oo isugu jiray Askar Ciidan iyo dadka deegaanka ayaa ku geeriyooday weerarka ku bilowday qaraxa Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Wisil, halka tirro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen, waxaana Al-shabaab ay sheegteen inay weerarka ku dileen 34 Askari.