Shirkadaha Maraykanka ee Diyaaradaha farsamaysa ee Boeing ayaa qorsheynaysa inay 100 million oo Dollar ku taageerto qoysaska 346-kii qof ee ku geeriyootay Labadii Diyaaradood ee Boeing 737 MAX oo ku burburtay dalalka Ethiopia iyo Indonesia.
Shirkadda waxay shalay shaacisay Taageeradda Lacagahaasi, inkastoo ay xustay inaysan si toos ah gacanta u gelin doonin Qoysaskaasi, balse, Lacagtaasi loo dhiibi doono Hay’addo Dowladeed iyo Ururo aan macaash-doon ahayn, si ay qoysaska ay dadka ka geeriyoodeen iyo Bulshada la nool uga taageeri lahaayeen dhinayada W/barashadda iyo Shaqooyinka.
Hawl-fuliyaha Guud ee Shirkadda Boeing, Deniis Muilenburg waxa uu sheegay inay tiiranyadda la qeybsanayaan qoysaska iyo kuwii ay jeclaayeen, isla markaana uu rajeynayo in ay bilowga lacagtaasi ka taageeri doonto inay helaan deganaansho.
Balse, Robery Clifford oo wakiil ka ah Qaraabadda dadkii ku geeriyooday burburkii Diyaaradii Ethiopian Airlines ayaa sheegay in Lacagta ay Shirkadda Boeing ku deeqday tahay mid aad uga yar wadarta guud ee naftooda ku waayey shilkaasi.
Waxa uu tilmaamay inuusan Taageeradaasi xitaa u arkin Bilow Wanaagsan.
Diyaaradii Boeing 737 MAX ee ku burburtay Ethiopia bishii March ee sannadkan waxaa ku geeriyootay 157 qof, halka Diyaaradda noocaasi ah oo ay lahayd Shirkadda Lion Air jet ee dalka Indonesia ay burburtay bishii October ee sannadkii, iyadoo ay ku wada geeriyodoeen dhamaan 189-kii qof ee la socday Diyaaradaasi.
Kadib, shilalkaasi ku yimid Diyaaradda boeing 737 MAX waxa gebbi ahaan Caalamka laga joojiyey isticmaalka Diyaaradaasi oo cillad dhinaca Nidaamka Hagisteeda sababtay burburka.
Hay’adda Federalka Maraykanka ugu qaabilsan Duullimaadka Diyaaradaha ee (The United States Federal Aviation Administration (FAA) waxay isbuucii hore sheegtay inaysan Shirkadda Boeing weli ka soo dalbanin Caddaynta Bad-qabta Diyaaradaha Boeing 737 MAX, loona baahan yahya inay soo dhamaystiro dhamaan waxyaabaha looga baahan yahay Diyaaradda noocaasi iyo inay si nabad dib ugu soo laabato Adeegga Duullimaadka.