Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Warsheekh iyo Faah faahin kasoo baxeysa

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil gaari oo galabta ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshsbeelle, kaasi oo geystay khasaaro dhaawacyo ah.

Shilkaan ayaa waxaa uu yimid, kadib markii ay isku dhaceen gaari nooca Soomaalida u taqaano Laan-guruusal iyo gaari kale oo nooca xamuulka qaado ee TM-ka, xili labada gaari ay xawaare ku socdeen, waxuuna sigaar ah uga dhacay xaafadda Fagax.

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in shilkaas ay ku dhaawacmeen 5 qof oo saarnaa gaariga Laan-guruusalka oo uu ku jiro darawalkii waday gaariga, kuwaasi oo si deg deg ah loogu soo qaaday dhanka Magaalada Muqdisho.

Dadka waxyeelada soo gaartay ayaa waxaa gurmad u fidiyay qaar kamid ah dadka deegaanka Warsheekh oo goobta ka Agdhawaa, waxaana dadkaas ay ahaayeen kuwo safar ah, isla markaana kusoo jeeday Muqdisho.

Sawirro laga soo qaaday gaariga Laan-guruusalka ayaa muujiyay inuu qeyb kamid ah burbur xoogan gaaray, iyadoona dadweyne farabadan ay kusoo xoomeen goobta uu shilka ka dhacay oo aheyd xaafadda Fagax ee degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Deegaano hoostega degmada Warsheekh ayaa waxaa horey sidaan oo kale uga dhacay shilal kala duwan oo geystay khasaaro, waxaana inta badan shilalka ka dhaca halkaas loo sababeeyaa darawalada oo gaadiidka xawaare ku kaxeeya iyo waddooyinka oo burbursan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor