Qarax Gaari loo adeegsaday oo ka dhacay degmada Wadajir

Qarax Gaari ayaa goordhow ka dhacay qeybo kamid ah degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir qaraxaas oo geestay sida la sheegay khasaaro kala duwan.

Gaariga ayaa la shegay in ay wateen koox hubeysan oo saakay qof Shacab ah ku dilay Xaafada Xawa-Taako ee isla degmada Wadajir balse ciidamada dowladda oo garigaas ku raad joogay uu qarxay xili uu marayay Xaafada Nasteexo ee degmada Wadajir.

Waxaa jira khasaaro  dhashay qaraxaas, waxana dadka deegaanka ay sheegayean in Hal Askari uu ku dhintay halka mid kale uu ku dhaawacmay kuwaes oo ahaa ciidamadii daba joogay kooxdii hubeesneed ee Gaariga wadatay.

Goobta uu qaarxa ka dhacay waxaa hada ku sugan Ciidamo ka tirsan dowladda Somaaliya iyo qaar kamid ah Shacabka Xaafada Nasteexo oo u soo daawasho tagay.

Xiriir aan la sameynay Maamulka degmada Wadajir ayaanan noo suurtagelin si aan wax uga weeydiino qaraxaas iyo waliba dilkii saakay ka dhacay degmadasi Wadajir.

Goordhow la socda wixii ku soo kodrha qaraxaas insha allaah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media