Akhriso:Puntland oo heshiis la gashay Waxgaradka ka soo jeeda Gobolada Baay iyo Bakool

Kulan mudho dhowr Maalin ah socday una dhexeeyay Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland iyo Odaayal Dhaqameed ka soo jeeda beelaha dega Gobolada Baay iyo Bakool ayaa maanta la soo gaba gabeeyay iyadoo kulankaas laga soo saaray qodobo dhowr ah.

Kulanka oo ka socday Magaalada Garoowe ayaa waxaa puntland Wakiil uga ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar(Cameey) halka Gobolada Baay iyo Bakool dadka degana ay u matalayeen Wakiilo ay iska soo xuleen waxgaradkooda ku sugan Puntland.

Hadaba Hoos Ka Akhriso Qodobadii lagu heshiiyay.

1: In ammaanka si wadajir ah looga shaqeeyo oo loo sinaado iyo In la is aamino.

2: In shacabka Baay iyo Kakool ee ku nool Puntland ay leeyihiin xaquuqda lamid ah shacabka Puntland, iyagana laga helo wixii xuquuq ah oo lagu leeyahay.

3: In wixii dhibaato ku ah dalka iyo dadkaba la iska qabto, sidoo kalena in wax laga qabto wixii ay tirsanayaan dad kasoo jeeda Gobolada Baay iyo Bakool.

4: iyo in qofkii kasoo jeeda goboladaas oo deegaankiisa u safraya uu qaato ducementa ama qoraal cadeynaya safarkiisa iyo waqtiga soo laabashadiisa, si ay dowladdu uga warqabto, isagana soo laabashadiisa uusan la kulmin wax carqalad ah inta uu safarka soo yahay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media