Dhageyso:-Wasaarada Waxbarashada oo shaacisay Tirada ka qeyb galeysa Imtixaanka Sanadkaan

Wasaarada Waxbarashada dowladda Federaalka ah ee Somaaliya ayaa faah faahin Guud ka bixisay waqtiga uu bilaaban doono imtixaanka Shahaadiga ah ee Sanadkaan markale dowladda Somaaliya ay qaadeyso iyo tirada rasmiga ah ee ka qeyb galeysa Imtixaanka.

Wasiirka Waxbarashada Somaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan oo War-Baahinta kula hadlayay Magaalada muqdisho ayaa sheegay in Sanadkaan tirada ka qeybgaleysa Imtixaanka ay gaarayaan ilaa 23,000 oo Arday oo ka kala socda Afar maamul Goboleed iyo gobolkaan Banaadir halka Imtixaanka uu bilaaban doono 20 Bishaan oo ku beegan Maalinta Sabtida ah ee soo socota.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ugu baaqay Waalidiinta in Caruurtooda ay u fududeeyaan qaabkii ay ku geli la haayeen Imtixaanka Sanadkaan kaas oo waxbarashadiisa ay waqti badan soo geliyeen.

Hoos Ka Dhageyso Shirk Jaraa’id ee Wasiirka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media