5 Badmaaxiin u dhalatay dalka Filibiin oo muddo ka badan 4 sanno u afduubnaa Burcad-baddeed Somali ah ayaa dib ugu laabtay dalkooda.
Badmaaxiintaasi ayaa haatan nolol cusub ka bilaabay dalkooda, kadib, markii ay Dowladda Filibiin u ballan qaaday Kaalmo Lacageed oo ay ku abuurtaan Shaqo ay ka helaan Nolol-maalmdeedkooda.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Perfecto Yasay ayaa u sheegay Badmaaxiinta in mid kasta la siin doono lacag dhan 100,000 ee Lacagta Filibiin ee Pesso.
Waxa uu tilmaamay in sii-daynta Badmaaxiintaasi gacan ka geysteen Hay’adda QM ugu qaabilsan Daraagiska iyo Dembiyadda iyo Hay’addo kale oo u gurmada Badmaaxiinta la afduubtay.
Dhinaca kale, qaar ka mid ah Badmaaxiinta ayaa ka hadlay Xaaladihii ay ku sugnaayeen muddadii afduubka loogu haystay Somalia, waxayna sheegeen inay cuni jireen Dooliga, Daba-qalooca, Fara-badnaha iyo Shimbiraha.
©Radio Dalsan