Dowladda Turkiga oo shaqada ka joojisay Tobanaan Kun oo Shaqaale ah, isla markaana xirtay dhowr Warbaahin.  

In ka badan 10-kun oo Shaqaale Dowladeed ahaa ayaa shaqada laga joojiyey, kadib, markii lagu tuhmay inay gacan-saar la lahaayeen Hoggaamiyihii Afgembigii Fashilmay ee Fatxullaahi Gulen..

U.S. based cleric Fethullah Gulen at his home in Saylorsburg, Pennsylvania, U.S. July 29, 2016.  REUTERS/Charles Mostoller/File Photo

Qoraal saqdii dhexe lagu faafiyey Faafinta Rasmiga ee Dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay in Kumanaan Aqoonyahano, Barayaal iyo Shaqaale Caafimaad laga joojiyey shaqada, kuwaasi oo loo cuskaday Sharciga Cusub ee Xukunka degdegga ee dalkaasi.

Dhinaca kale, 15 Warbaahin oo inta badan ka hadasha K/bari ee dalkaasi ayaa iyagan albaabadda loo laabay.

Tan iyo markii uu fashilmay Afgembigii Turkiga lala maaganaa bishii July 15-dii ee sannadkan waxaa la xiray ama shaqada laga joojiyey in ka badan 37,000 oo qof.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor