War Goordhow sooo gaaray Radio Dalsan Xarunta muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in Gaari nooca Xamuulka qaado ah uu ku rogmaday inta u dhaxeysa Isgoysyada Baar Ubax iyo Black Sea,isla markaana uu khasaaro ka dhashay.
Gaariga oo ah nooca Xamuulka qaada ayaa dad goobta shilka ka dhacay ku sugan ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in hoostiisa ay ku jiraan ilaa Saddex mootada Bajaajta loo yaqaano oo dad ay saaran yihiin.
ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyay waxaa ku Geeriyooday Shilkaasi,labo qof ,halka sidoo kale ay ku dhawacmeen ilaa iyo dhowr kale,welina waxa soconaya Gurmad ay wadaan Dad Shacab ah oo Goobta iskugu tagay kuwaas oo ku guuleystay in ay toosiyaan Gaariga rogmaday
Goordhow la socda wixii ku soo kordha shilkaas.