Maamul Goboleedka Puntland ayaa war kasoo soo saaray khilaafka u dhexeeya madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaare Maaxamed Xuseen Rooble.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu taageeray hannaan uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku wado arrimaha siyaasadda dalka, waxaana Puntland ay taageertay go’aankii uu qaatay ee uu kaga hor yimid wareegtadii uu dhawaan soo saaray maadxweyne Farmaajo ee kua adaneed in Hay’adaha xukuumadda xilgaarsiinta aysan wax heshiisyo ah gali karin.
Sidoo kale waxaa Puntland ay Ra’iisul Wasaare Rooble ku taageertay tallaabooyinka ku aaddan hirgelinta doorashada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay adduunka.
“Dowladda Puntland waxay ku boggaadinaysaa Ra’iisul Wasaare Mohamed Xuseen Rooble, hogaaminta Dalka ee muddada kala guurka ah, hirgelinta doorashada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay adduunka” ayaa lagu yiri Qorool kasoo baxay Puntland.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa waxaa ka dhex qarxay khilaafkii ugu xoogganaa ee labada mas’uul isaga hor yimaadaan tan iyo markii xilka loo magacaabay Maxamed Xuseen Rooble.
Waxaana xalay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed farmaajo uu wareegto Madaxweyne ku hakiyay Heshiisyada xukuumadda, balse waxaa xigtay in uu si kulul kaga hadlay arrintaasi RW Maxamed Xuseen Rooble.
War kasoo baxay Xafiiska RW Rooble ayaa waxaa si kulul looga hadlay arrintaasi, waxaana war-murtiyeed laga soo saaray Xafiiska RW Rooble lagu sheegay in hay’adaha xukuumadda ay sii Wadan doonaan howlahooda, aysana istaagi doonin dhammaan shaqooyinka xukuumadda.