Senotar Yuusuf Geelle Ugaas oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa wax laga xumaado ku tilmaamey burburintii Ciidamada Kenya ay u geysteen Xarumob ay ku laheyd shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
Sanoterka ayaa waxa uu sheegay in falkaasi uu yahay mid aan indhaha laga daboolan karin,isla markaana u baahan in wax laga qabto.
”Waxaa cambaareynayaa dhibaatada ay ciidamada Kenya ku hayaan Shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo ah sida lawada ogyahay laf dhabarta isgaaarsiinta dalka.Waxaan hoosta ka xariiqayaa in arintaan aan laga laaban karin indhaha ,balse tallaabo muuqata oo isla xisaabtan leh ay baarlamanka Soomaaliya labadiiisa aqal ka qaadan doonaan xadgudubka kenya.
Ciidamada Kenya ayaa tiro dhowr ah burburiyay Xarumo ay laheyd shirkadda Hormuud Telecom oo ay kamid ahaayeen xarumihii Ceelbaande, Dhamase, Khadiijo Xaaji , Dhegalaab iyo Dhuuntow oo ku wada tirsan Gobolka Gedo, waxayna xaruntaan hadda la burburiyay noqoneysaa middii lixaad oo ay ciidamada Kenya si bareer ah u gubeen.
Maanta ayaa waxaa Warsaxaafadeed ka soo saarey burburinta Xarumaha Shirkada Hormuud ee Ciidamada Kenya Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya,iyaga oo dowladda ugu baaqay in ay jawaab ka bixiyaan.