Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqday saddex maalmood ah oo baroor-diiq oo loo sameeynayo Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo geeriyooday.
Marxuumka Maxamed Xaashi ayaa xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi ee Caasimadda, waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in Marxuumka uu maalmihii lasoo dhaafay xanaanunsayay.
Sidoo kale Puntland ayaa hoos u dhigtay Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kan maamulkaas, waxaana geeriada Maxamed Xaashi ka tacsiyeeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore Puntland Marxuum Xaashi ayaa wuxuu ka mid ahaa Aasaasayaashii kasoo shaqeeyay dhismaha Maamulka Puntland, sidoo kale waxaa uu soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyay ee Puntland.
“Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu uga tacsiyaynayaa geerida marxuumka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay, waxaana uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul Fardawsa” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland.