Madaxweynaha dalka Yemen, C/rabbu Mansuur Haadi ayaa sheegay in la qabtay Carruur Qaxooti Soomaali oo ka barbar dagalaamayso Maleeshiyadda Xuutiyiinta.
C/rabbu Mansuur Haadi ayaa hadalkaasi ka hor sheegay Shirweynaha 71-aad ee Golaha Guud ee QM oo shalay ka furmay Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York, kaasi oo looga hadlayo sidii ay Dowladaha Caalamka wax ugu qaban lahaayeen Qaxootiga iyo Muhaajiriinta ku dac-daraysan Xeryaha Qaxootiga ee Caalamka.
Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay inay Hay’addaha Ammaanka iyo Ciiddanka dalkiisa gacanta ku dhigeen Carruur Qaxooti Soomaali ah, kuwaasi oo ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta u adeegsanayeen Dagaalka ay kula jiraan Ciiddanka Dowladda Yemen iyo Isbahaysiga Milliteriga ee uu Sacuudigu horkacayo .
Warkan oo aan ka soo xiganay Wakaalladdaha Wararka u faafiya Dowladaha Yemen iyo Sacuudiga ee SABA iyo SPA ayaa lagu sheegay inuu Madaxweyne C/rabbi Mansuur Haadi sheegay inay Kooxda Xuutiyiinta qoranayaan Qaxootiga Soomaalida iyo kuwa Afrikaanka ee ku nool gudaha dalka Yemen.
Madaxweynaha waxa kaloo uu ka hadlay culayska ay Qaxootiga iyo dadka Magangelyo-doonka ku hayaan dalkiisa, wuxuuna tilmaamay inay dalkiisa ku sugan yihiin Qaxooti tiradooda ku dhowdahay Labo milyan iyo Labo Boqol oo Kun oo qof.
Waxa uu intaasi ku daray inay bishiiba Yemen soo gaaraan Qaxooti tiradooda dhan tahay 14,000 oo Qaxooti oo 12,000 ka mid ah ka soo kala jeedaan Somalia iyo Ethiopia.
Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Yemen waxa uu ugu baaqay Dowladaha iyo Hay’adda Caalamiga inay taageero ka geystaan Daryeelka iyo in wax loo qabto Qaxootiga ku nool dalkiisa, si aysan ugu biirin Maleeshiyadda Kooxda Xuutiyiinta.
Si kastaba ha ahaatee, Kumanaan Qaxooti Soomaali ah ayaa ku nool dalka Yemen, iyadoo ay Dowladda Yemen u fasaxday Qaxootiga Soomaalida inay sharci la’aan ku joogi karaan Yemen, kana shaqeysan karaan.
©Radio Dalsan