Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geerida M/weynihii hore ee Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi oo ku geeriyooday Dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu kaalin mug leh ka soo qaatay aas-aaska Dowlad Goboleedka Puntland, isaga oo noqday Madaxweynihii 2-aad iyo sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyey ee hoggaamiya dowlad-goboleedkaasi.

“Inaa lillaahi wa innaa ilahayhi raajicuun. Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi waxa uu ahaa odey Soomaaliyeed oo ay ku weyn tahay dowladnimada dalka iyo dib u soo celinteeda. Alle waxaan uga rajeynayaa in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ina ga siiyo.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Ku-xigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan, Bulshada Puntland, gaar ahaan qoyskiisa oo uu ugu horeeyo wiilkiisa mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi iyo ehelada uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuumku.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media