Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka hadlay Dilkii Askari ka tirsan Ilaaladiisa uu u geystay Agaasime Waaxeed ka tirsanaa Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka.
Wasiir Xasan Xuseen oo shacabka kala hadlay Telefashinka dowladda ayaa waxaa uu marka hore tacsi u diray qoyskii, qaraabadii ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Cabduqaadir Cilmi oo ahaa Agaasimihii Waaxda IT-da ee Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka.
Waxaa uu sheegay Wasiirka Cadaalada in xiligii uu falka geysanayay Askariga kamid ah Ilaaladiisa uusan la socon, isla markaana isaga oo saaran Askariga Gaariga Wasiirka uu rasaas u furay Marxuum Cilmi, isagoo goobta ku dhintay.
Wasiirka Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay inuu cadaaladda marayo askari ka tirsan ilaaladiisa, wuxuuna xusay in haatan uu ku xiran yahay Xarunta Baarista Ciidanka Booliska, ayna ku socdaan baaritaano kala duwan.
Ugu dambeyn Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu Wasiirka ugu baaqay inay ka digtoonadan inay hubka ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba-galabsan, xili Ciidanka ay si bareer ah shacabka ugu dilaan Magaalada Muqdisho xiliyada qaarkood.