Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta Muqdisho kaga qeyb-galay kulan dadweyne ah oo guddida Ganacsiga, Warshadaha iyo Maal-gashiga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ay ku falan-qeynaayeen saameynta cudurka COVID-19 uu ku yeeshay guud ahaan dhaqaalaha wadanka gaar ahaan ganacsiga Soomaaliya.
Kulankan oo ay ka soo qeyb-galeen Wasiiro, Xildhibbaano, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacisga iyo Warshadaha JFS, madaxda rugta Ganacsiga iyo Warshadaha iyo qeybaha kala duwan ee Ganacsatada, ayaa aad looggu falan-qeeyey siyaabaha kala duwan ee COVID-19 uu u saameeyey Ganacsiga, waxaana la sheegay in cudurkani uu hoos-u-dhac weyn ku keenay dhaqaalahii wadanka maadaama bubur ku yimi ganacsiyo tiro badan, shaqo la’aan badan oo uu sababay, hoos-u-dhac ku yimi cashuurtii dawladda iyo weli ba saameyn xoogga oo uu ku yeeshay ganacsatada wax-u-soo dhoofisa dalka.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa ugu horreyn u mahad-celiyey guddida hawshan soo qaban-qaabisay, waxaana uu sheegay in daraarasado ay ka sameeyeen saameynta cudurka ee Ganacsiga ay muujinayso inay jirto saameyn baahsan oo cudurku ku yeeshay ganacsiga wadanka balse dedaalo badan oo si wada-jir ah ay u sameeyeen Xukuumadda iyo Ganacsatadu ba ay wakhtigan yaraatay saameyntii cudurkaasi. Waxa uu sheegay in wakhtiyadii uu cudurkani xooganaa ay dawladdu cashuur-dhaaf u sameysay ganacsatada wax-u-soo-dhoofisa dalka si loo yareeyo sicir-bararka ku yimi maciishadda iyo heerkii nololeed ee bulshada.
Ugu dambeyn Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, waxa uu sheegay in Xukuumaddu ay mar walba ku dedaalayso siddii ay u xakameyn lahayd saameynta cudurkaasi, waxaana uu carabka ku dhuftay in la joogo wakhtigii dawlad iyo shacabba fursad looggu beddeli lahaa saameyntii ka dhalatay cudurkaasi loona xoojin lahaa wax-soo-saarka dalka.