Iyadoo maanta Calaamka oo dhan laga xusayo Maalinta loo qoondeeyey “Khatarta Isl-xisaabtan La’aanta iyo Isla Khatarta Isla Xisaabtan La’aanta” (The Safety of Journalists and the Danger of Impunity).
Munaasabadaasi oo Caalamka sannadkiiba maanta oo kale (November 2-da) looga dabaal-dego ayaa waxaa loogu tala-galay in lagu muujiyo Shaqada Suxufiyiinta iyo Khataraha ay had iyo jeer la kulman, kuwaasi oo isugu jira Dil, Jir-dil, Xarig, Cabsi-gelin, Dhibatayn iyo Tacadiyo kale.
Haddaba, Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaliyeed (NUSOJ) iyo Dalladda Warbaahinta Madaxa Bannaan ee SIMHA ayaa waxay maanta qabanqaabiyeen Munaasabadda Maalinta Caalamiga ee Badbaadinta Suxufiyiinta iyo Khatarta Isla-xisaabtan La’aanta.
In ka badan 200 oo Saxafi ayaana dibadbax ka dhigay Barxadda Beerta Nabadda ee magaalladda Muqdisho.
Xoghayaha Guud ee Ururka NUSOJ, Maxamed Ibraahim Macallimu iyo Guddoomiyaha Dalladda Warbaahinta ee SIMHA, ahna Agaasimaha Guud ee Radio Dalsan, Xasan Cali Geesey ayaa ka hadlay Dibadbaxaasi, waxayna ku dheeraadeen Muhiimadda Maalinta Nov. 2nd u leedahay Suxufiyiinta Caalamka.
Maxamed Ibraahim Macallimu, waxa uu ku dheeraaday Tacadiyadda ay Suxufiyiinta Soomaalida la kulmaan, isagoo sheegay in 20 Saxafi la xiray afartii bilood ee la soo dhaafay.
Guddoomiyaha Dalladda Warbaahinta ee SIMHA, ahna Agaasimaha Guud ee Radio Dalsan, Xasan Cali Geesey ayaa isagana sheegay in Suxufiyiinta lagu dhibaateeyo Hawlaha Adag ee ay Bulshadda u hayaan.
Wuxuuna ugu baaqay Dowladda Federalka in la soo qabto, lana soo maxkamadeeyo Kooxaha had iyo jeer dhibaateeya ama dila Suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Si kastaba ha ahaatee, dalkeena Somalia waxa uu safka hore kaga jiraa dalalka Calaamka ee lagu dhibaateeyo Suxufiyiinta, iyadoo tan iyo sannadkii 1992-kii lagu dilay 59 Saxafi, sida ay diiwaan gelisay Hay’adda Badbaadinta Suxufiyiinta ee CPJ.
©Radio Dalsan