(WARBIXIN): Hal Saxafi ayaa mar kasta la dilaa dhowrkii maalmoodba.

Iyadoo maanta loo dabaal-degayo Maalinta Caalamka ee Ka-hortagga Tacadiyadda loo geysto Suxufiyiinta ayaa waxaa la soo saaray Warbixin laga argagaxo oo ku aadan Tacadiyadda Joogtadda ee ay had iyo jeer la kulmaan Suxufiyiinta Caalamka.

Warbixinta oo ay soo saartay Agasimaha Guud ee Hay’dda QM ugu qaabilsan Waxbarashadda, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO) aya lagu sheegay in Hal Saxafi lagu dilo Caalamka mar kasta afartii malmood iyo barkeeda (One journalist is killed every four-and-a-half day).

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Tobankii sanno ee la soo dhaafay 827 Saxafi la dilay iygoo ku guda-jira Shaqadooda.

Warbixinta oo loogu magac daray: “Badbaadada Suxufiyiinta iyo Khatarta Isla-xisaabtan La’aanta” (The Safety of Journalists and the Danger of Impunity report) ayaa lagu sheegay in meelaha ugu xun ee lagu dilo Suxufiyiinta yihiin dalalka Carabta, gaar ahaan Iraq, Libya iyo Yemen.

Goobaha labaad ee sida xun loogu dilo Suxufiyiinta ayaa ah dalalka ku yaalla Qaaradda Latin America.

Wax an lala yaabin ayaa ah in inta badan Dhimshadda 59%  ka dhaceen Dalalka ay Coladuhu ka jiraan.

Dilalka oo keliya ma aha Tacadiyadda loo geysto Suxufiyiinta, balse wxaa jirta inaan xisaabta lagu darin Tacadiyada kale, sida Afduubka, Jir-dilka, Xariga aan Sharciga ahayn, Cabsi-gelin iyo dhibaatayn iyo burburinta Qalabka Warbaahinta.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor