Waa hubaal inay Aqoonta muhiim u tahay qof kasta, iyadoo qof wax bartay uu aad u ilbaxsan yahay, lana filayo inay isaga ama iyada gaaraan meel wanaagsan oo uusan qof aan aqoon lahayn ku hagi Karin Qarankiisa.
Qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Dowladaha Afrika ayaan haysanin Shahaado Jamaacdeed (A Bachelor Degree) ama xitaa aan haysanin Shahaadda Dugsiga Sare .
Shabakadda Wararka ee africaranking.com ayaa diiradda la raacday Heer Aqooneedka 54-ka Madaxweyne ee ugu aqoonta sarreeya Madaxda Dowladaha Afrikaanka.
13 ka mid ah 54-ka Madaxweyne ee Afrikaanka ayaa la ogaaday inay leeyihiin Waxbarasho Heer Jamaacadeed, halka 41-ka kalena aysan xitaa haysanin Waxbarashadda Heerka Dugsiga Sare.
Qiimaynta 13-ka Madaxweyne ee haysta Shahaadada Heerka Jamacadeed ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxa uu W/barashadiisa Hoose ilaa Sare ku soo qaatay magaalladda uu ku dhashay ee Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ka qalin jebiyey Jamaacadda Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna Shahaadada Master’s Degree ee Cilmiga Teknoolajiyadda ka soo qaatay Jamaacadda Bhopal University ee dalka Hindiya.
Liiska Madaxweynayaasha Afrikaanka ee haysta Shahaadada Heerka Jaamacadeed waxaa kaloo ka mid ah:-
- Madaxweynaha dalka Nambibia, Hage Geingob.
- Madaxweynaha Jesiiradaha Cape Verde, Jorge Carlos Fonseca.
- Madaxweynaha dalka Liberia, Wllen Johnson Sirleaf.
- Madaxweynaha dalka Togo, Faure Gnassingbe
- Madaxeynaha dalka Benin, Dr. Thomas Boni Yayi (Benin.
- Boqor Maxamedka 6-aad ee dalka Moroko.
- Peter Mutharika (Malawi).
- Madaxweynaha dalka Ivorey Coast, Alassane Ouattara.
- Madaxwerynaha dalka Ethiopia, Dr. Mulatu Teshome.
- Madaxweynaha dalka Moroshiyos, Dr. Ameenah Gurib.
- Madaxweynaha dalka Mali, Ibrahim Boubacar Keïta.
- Madaxweynaha dalka Zimbabwe, Robert Mugabe.
WQ. Xasan Cali Osman “Istiila
©Radio Dalsan