9 qof oo ku dhaawacantay Is-qarxin ka dhacday Caasimadda dalka Tunisia

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Turkiga ee ANADOLU in haweeney isku soo xirtay waxyaabaha qarxa ay la beegsatay gaari Booliska oo marayey waddada loogu magac daray Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Xabiib Burqiiba oo ku taalla bartamaha caasimadda ee Tunis.

Inta badan dadka dhaawacmay waxay marayeen waddada Xabiib Bourquiba ee bartamaha magaalada Tunis.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa waxay u badan yihiin ciidammada ammaanka dalkaasi.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ku tilmaantay qaraxa in inuu ahaa weerar argagixiso.

Haweeney aya isku qarxisay halkaasi, ilaa hadda wax dhimasho lama soo tebinin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor