War ka soo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa waxaa faahin looga bixiyay duqeyn 25-kii Bishaan oo ku beegneed Khamiistii diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen deegaanka Kunya Barrow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Qoraal la soo dhigay Barta Twitter-ka NISA ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lala beegsday gaari ay saarnaayeen xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab,isla markaana lagu dilay Xubin Shabaab u qaabilsanaa lacagaha dadka ay ka qaadaan walow Magaciisa aysan shaacinn
“Xubin sare oo Al-Shabaab ah, kuna sugnaa degmada Kunya Barow, una qaabilsanaa soo aruurinta dakhliga, ayaa waxaa 25/10/2018 gantaal ku dilay xulufada ciidanka amniga Soomaaliyeed, Dhaqaalaha uu shakhsigan soo aruursho ayaa lagu gumaadi jiray shacabkaâ€ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka NISA.
Si kastaba War-Saxaafadeed shalay ka soo baxay Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu bur buriyay Gaari ay wateen Al-Shabaab laguna dilay Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab.
Xubin sare oo Alshabab ah, kuna sugnaa degmada Kunya Barow, una qaabilsanaa soo aruurinta dakhliga, ayaa waxaa 25/10/2018 gantaal ku dilay xulufada ciidanka amniga Soomaaliyeed. Dhaqaalaha uu shakhsigan soo aruursho ayaa lagu gumaadi jiray shacabka.#NISA
— NISA (@HSNQ_NISA) October 27, 2018