Wararka naga soo gaaraya degmada Burtinle ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Puntland ay dad Shacab ah ay ka xir xireen Magaaladaaas.
Dadka la xiray ayaa waxaa ku jira Nin ku Shaqeysta Makiinada Cagaf Cagafta loo yaqaano,kaas oo lagu eedeeyay in uu sisharcidarro ah uu dad ula heshiiyay,isla markaana uu Cagafta ku bur buriyay dhul farabadan.
Wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland ayaa horay u mamnuucday in sisharcidaro ah loo dhisto goobo dadka ay dhibaato kala kulmi karaan.
Agaasimaha guud ee Wasaaradaasi Deegaanka Puntland C/casiis Nuur Cilmi Koor ayaa haatan kulamo la leh waxgaradka iyo Maamulka deegaanka Burtinle si loo ilaaliyo deegaanka loogana hortago dhismooyinka Sharcidardaha ah.
Ninka Cagafta ku Shaqey sanayay ee laga qabtay deegaanka Burtinle ayaa loo gudbiyay Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal,sida aan Wararku ku helnay.