Xilli mararka qaarkood dadka Shacabka ah ay ka cabanayaan dhibaatooyin isugu jira dil iyo dhaawac oo ay u geysanayaan Ciidamada Dowladda ayaa waxaa arrintaasi digniin ka soo saartay Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalaba sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in ciidamada uu uga digayo in qof aan hubeysneyn oo Shacab ah inay dilaan.
Waxa uu sheegay in ciidamada looga baahan yahay in dadaalka ay bixinayaan aysan ku dheelin hal qof iyo laba qof,isla markaana muhiim ay tahay in dadka ay helaan amni.
“Runtii ujeedka aad u dagaalameysaan waxaa la rabaa in uu noqdo in dalkaan uu ahaada mid nabad ah,ma ahan in dadka Shacabka ah ay idinka ordaan markii ay idin arkaan balse laga rabo inay idiin soo ordaan,ha ahaado Shacab caadi ah, Ganacsade iyo cid walba ayuu yiri Gaashaanle Sare  Xasan Cali Nuur Shuute.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in askari kastaa ee dila qof Shacab ah mas’uuliyadiisa in uu isaga qaadi doono,isla markaana waajibkiisa la marsiin doono,waxaana uu sheegay in cid walba oo ay Ciidamada Shabaab ahaan u qabtaan loo diyaariyay halkii lagu xiri lahaa.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalaba sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.