Booliska Magaalada San Diego ee dalka Maraykanka ayaa sheegay inay Ninkaasi oo lagu magacaabo C/casiis Deerow ka soo qabteen dalka Panama, kadib, markii la baadigoobayey dhowrkii isbuuc ee la soo dhaaafay.
C/casiis Deerow oo 45-jir ah waxaa lagu tuhunsan yahay dilka Xaaskiisa o ola oran jirey Muna Salaad Kuri oo 36-jir ah, taasi oo uu bishan March 2-dii ku dilay Degmadda City Heights oo ka tirsan magaalladda San Diego ee Gobalka California ee dalka Maraykanka.
Booliska Mraaykanka waxay sheegeen inay C/casiis Keerow ugu dambeyntii gaaray dalka Panama bishan Mrach, halkaasi oo laga soo qabtay.
Marxuumadda la dilay ee Muna Salaad Kuru waxay ahayd Ganacsate lahayd Xarun maalintii lagu hayo carruurta oo ku taalla magaalladda San diego ee dalkaasi.